Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayaa ku dhawaaqay in si guul ah uu kusoo dhamaaday buuxinta wajiga saddexaad ee biyo-xireenka ‘Renaissance Dam’, ee webiga Nile.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in markii ay bilaabeen dhismaha biyo-xireenka ay ka horyimaadeen caqabado badan, balse ay ku guuleysteen dhameystirka wajigiisa saddexaad, waqtigii loogu talagalay.
“Hambalyo dhammaan carruurta Abay oo dhammaystiray wareegii 3-aad ee buuxinta biyaha waqtigii loogu talagalay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dhismaha biyo-xireenka Webiga Niil, uusan dhibaato ku aheyn dalalka Sudan iyo Masar oo ay wadaagaan faa’idada biyaha webiga.
“Sida wabiga Abay u xidhidhiyay sadexda dal kumanaan sanadood ayaa biyo xidheenka laga dhisay waxa uu inoo sahlayaa in aynu wada shaqayn ku dhex yeelano wadamada jaarka ah.”
Dawladda Masar ayaa si adag uga soo horjeeda dhismaha biyo-xireenka Itoobiya ee webiga Niil, iyadoo marar badan hanjabaad u soo dirtay Addis Ababa, oo ay ku eedeysay inay dooneyso qaadashada xaquuqdeeda biyaha Niilka.
Source: FANA
BOSASO ONLINE