Shiinaha oo dhoolatus Milateri ka bilaabay Taiwan

Ciidamada militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah.

Dhoollatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan.

Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS