Akhriso: Puntland oo fasaxday maalmo shaqaalaha deegaannadeeda

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland ayaa shaacisay maalmaha fasaxa sannadka cusub ee Hijriyada Islaamka iyo xuska 1-da August oo ku beegan 24 sano-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii Dowladda Puntland.

Waraaq kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Ceydiid Ibraahim ayaa lagu sheegay in maalmaha sabtida iyo Isniinta ee todobaadka soo socda ay yihiin fasax shaqaalaha ka howlgalla deegaannada Puntland, maadama ay ku beegan yihiin xusaska 1-da bisha Muxaram ee sannadka cusub 1444 ee Hijriyada Islaamka iyo 1-da August oo ku beegan aasaaskii dawladda Puntland.

Sidoo kale, Wasiir Cabdiraxmaan Ceydiid ayaa ugu hambalyeeyay shacabka reer Puntland munaasabadda 1-da August, isagoo sheegay in dhismihii dawladda Puntland uu horseeday dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, iyo in bulshada Reer Puntland ay helaan amni iyo hormar.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS