Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa Xeer Lr. 52 kuna taariikhsan 23ka bisha Luulyo, 2022, kuna saabsan Sharixid xubno Ka mid ah Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Doorashada Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
MARKUU ARKAY: Qodobka 64-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
MARKUU ARKAY: Lifaaqa 1-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
MARKUU LA TASHADAY: Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada DPL.
MARKUU ARKAY: Aqoonta iyo waayo- aragnimadooda shaqo.
MARKUU TIX-GELIYEY: Baahida loo qabo buuxinta xubnaha banneeyey xubinnimada Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland.
WUXUU SHARAXAY:-
Xubnaha Guddiga KMG ee Doorashada Puntland ee hoos ku qoran:-
1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax)
2. Mahad Bashir Nuur
BOSASO ONLINEÂ