Xasan Sheekh oo markii lixaad dalka ka dhoofaya maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u socdaalaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu ka furmayo Shirweynaha dalladda bulshada bariga Afrika, oo aysan Soomaaliya kamid aheyn.

War kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in socdaalka Madaxweynuhu uu la xariiro, taageero uu u raadinayo siddii Soomaaliya uga mid noqoto Dallada bulshada bariga Afrika.

“Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.”

“Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.”

“Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.”

Waa socdaalkii lixaad ee uu dalka uga baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii la doortay 15kii bishii May. Madaxweynaha ayaa horey booqashooyin ugu tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya iyo Jabuuti.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS