Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxa Xafiiska Baasaboorada degmada Gaalkacayo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda laanta 6-aad ee Dowladda Puntland.
Marxuum Cilmi Cali Guuleed waxa uu ahaa Masuul Dalka usoo shaqeeyey, isagoo soo qabtay masuuliyado kala duwun oo uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeen, kuwaasi oo uu ugu adeegey dalkiisa iyo dadkiisa. Waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.
Marxuumka ayaa u geeriyoodey dhaawac ay gaarsiiyeen kooxaha sharwadayaasha ah, isagoona Madaxweynuhu faray laamaha amniga in ay sida ugu dhakhsaha badan talaabo uga qaadaan nabaddiidka ku dhex gabanaaya bulshada dhexdeeda, cid kasta oo ku lugyeelata dilka marxuumkana sharciga horkeenaan
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, kan Puntland, bulshada gobolka Mudug, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo awlaaddii uu ka baxay.
BOSASO ONLINEÂ