Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah ku wajahan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Uhuru Kenyatta.
Booqashadiisa oo qaadanaysa ilaa 2 maalmood ayaa la xariirta dib u soo celinta xiriirka labada labada dal, iyo Iskaashiga dhanacyada Amniga, ganacsiga iyo dublamaasiyadda.
Xariirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sannadihii lasoo dhaafay, ee uu dalka hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. DFS ayaa joojisay qaadkii ka imaan jiray dalkaas, iyadoo suuqa ganacsiga qaadka loo furay Itoobiya.
Waa socdaalkii afaraad ee dalka dibeddiisa ugu amba-baxayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo la doortay 15-May, ayna maalin kaddib u buuxsamayso 60 maalmood. Madaxweynaha ayaa horey booqasho rasmi ah ugu tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Eritrea oo uu talaadadii kasoo laabtay.
BOSASO ONLINEÂ