Akhriso: Axmed Karaash oo shaqo joojin ku sameeyay labo Wasiir

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirada Duulista Hawada ‘Ilyaas Cusmaan Lugatoor’ iyo Dekeddaha ‘Axmed Yaasiin Saalax’.

Waraaq kasoo baxday Madaxweyne Karaash ayaa lagu eedeeyay labada Wasiir masuuliyad darro iyo inay gudan waayeen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Lama oga inay dhaqangeli doonto wareegtada kasoo baxday Madaxweyne kuxigeenka Puntland, maadama horeyto ay u fashilmeen wareegtooyin uu bishii April xilalka uga qaaday 3 Wasiir, uuna ku magacaabay Guddoomiyaha gobalka Mudug iyo 18 Agaasime-waaxee.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS