Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.
Garoonka diyaaradaha Asmara ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Isaias Afwerki. Isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo kamid ah Ciidanka Eritrea.
Madaxweynaha afar maalmood ku sugnaan doona Asmara ayaa kala hadli doona dhiggiisa Eritrea xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona.”
Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona Ciidanka Soomaaliya ee lagu tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo gaaraya kumanaan, si dalka dib loogu soo celiyo.
BOSASO ONLINEÂ