Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa magaalada Kampala kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Oryem Henry Okello.
Kulanka ayaa looga hadlay Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), oo ay qeyb ballaaran ka yihiin Ciidanka Ugandha iyo siddii loo dardargelin lahaa.
Danjire James Swan ayaa uga mahad celiyay Ciidammada Ugandha ee qeybta ka ah Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo baahida loo qabo sii wadidda taageerada gobolka iyo midda caalamiga ah ee Soomaaliya.
BOSASO ONLINEÂ