Maxay ka wada-hadli doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh & Erdoğan ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Turkiga, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

War kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdoğan ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, arrimaha ganacsiga iyo Amniga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.”

Villa Soomaaliya ma sheegin inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha ee Ankara. Waa socdaalkii labaad ee uu dalka uga baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii la doortay 15-May. Horey Madaxweynaha ayaa u booqday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo intii uu ku sugnaa Dubai laga helay cudurka COVID-19.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS