Akhriso: DF Soomaaliya oo ruqsad siisay Bangiyada Banque Misr & Ziraat Bank

Guddiga sare ee Bangiga dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ruqsad ay gudaha dalka uga shaqeysan karaan siiyay bangiyada “Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Bank oo laga leeyahay dalka Turkiga”.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga sare ee Bangiga dhexe ee DFS ayaa lagu sheegay in labada bangi ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, ayna imaanshahoodu qeyb ka noqonayso hormarka Soomaaliya.

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Banki waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya.”

Labada Bangi ee laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, ayaa Dowladdii hore ee uu hoggaamiyay Madaxweyne Farmaajo, u diiday inay siiso ruqsad, kaddib cadaadis uga yimid ganacsato ka agdhawaa Madaxweynaha, oo cabsi ka qabay tartanka suuqa.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS