Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballanqaaday wada shaqeyn dhow oo uu la yeelanayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DFS, si dalka looga samata-bixiyo marxaladaha adag ee uu marayo.
Khudbad uu ka jeediyay xuska 1-da Luulyo, oo ka dhacay Madaxtooyada Garoowe, ayaa Madaxweyne Deni ku sheegay in dalka aysan ka jirin dowlad xooggan, oo adeegyadii muhiimka ahaa dadweynaha gaarsiisay.
“Wixii dhacay ka shallaayi-meyno iskuna canaanan mayno Qaddar Eebbe ayey ahayd duruufahaas kala duwan ee lasoo maray, Dowladdeennu waxay wali gaabis ka tahay adeeggii loo geysan lahaa bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in dal iyo dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan duruufo adag, sida dhaqaale la,aan iyo abaar saameysay 80% Soomaalida, oo u badan dad reer miyi ah.
“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaa u rajeynayaa in uu ilaahey xilkooda ku asturo oo ay noqdaan kuwo u adeega bulshadooda, waxaan cadeynaynaa hadaan nahay Reer Puntland dowlad iyo shacabba, inaan qeyb ka qaadan doono yagleelida dowladda federaalka ah” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Siciid Deni.
BOSASO ONLINE