Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda DFS ee sannadkan 2022, kaddib dood adag oo ka taagneyn muddo saddex maalmood ah.
204 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Miisaaniyadda dalka ee 2022, halka ay diideen 2 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 Mudane.
Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada labada Gole ee BJFS, isagoo xusay in ansixin miisaaniyadda 2022 ay tahay horey u socod, si loo fuliyo shaqooyinka Dowladdu u qabato bulshada.
BOSASO ONLINEÂ