Puntland oo shaacisay in 5 degmo laga dabarjaray xanuunka Malaariyada

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa ku dhawaaqday in 5 kamid ah degmooyinka Puntland laga dabarjaray xanuunka Malaariyada, kaddib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda.

Madaxa Malaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Dr. Cabdikariim Xuseen Xasan, ayaa sheegay in degmooyinka kala ah Galdogob, Burtinle, Garoowe, Eyl, iyo Bandar-bayla laga dabarjaray xanuunka Malaariyada.

“ Waxaan rabaa inaan maanta idin soo gudbiyo in 5 degmo oo Puntland ah kuwaasoo ku jiray 15 degmo oo Soomaaliya laga xushay in laga dabar gooyo cudurka malaariyada, degmooyinka ayaa kala ahaa Galdogob, Burtinle, Garoowe, Eyl, Bandar Bayla.” ayuu Madaxa Malaariyada Dr. Cabdikariim Xuseen Xasan.

5 Degmo ee lagu dhawaaqay in laga soo afjaray xanuunka Malaariyada, ayaa Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in muddo 3 sano ah aan laga helin wax kiis ah oo ah duumada.

Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay inay guul tahay in degmooyinka 5 ah laga soo afjaray xanuunka duumada, isagoo u mahadceliyay Hay’addaha bahwadaagta la ah Wasaaradda, ee qeybta ka ahaa

“ Waxaan maanta rabnaa inaan halkaan ka sheegno horumar kaas laga gaaray la dagaalanka duumada wajigii hore hadana wali meelaha qara ay ku jiraan, waa wajiga xakamaynta oo macnuhu yahay in xanuunka la xakameeyo meeshiisana lagu joojiyo, degmooyinka Garoowe, Eyl, Burtinle, Galdogob iyo Bandar-bayla, waxay hada ugudbayaan wajiga ciribtirka cudurka malaariyada, waxaan rajaynayaa magaalooyin kale ku soo darsamaan.”

Wasiir Jaamac Faarax ayaa intaas ku daray “Sharaf weyn ayay Puntland u tahay inaan degmooyin kooban oo 15 ah oo Soomaaliya oo dhan ah aan 5 degmo ku yeelano.”

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS