Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa Kalfadhigga 50-aad ee Golaha, kaas ajandihiisu yahay la-xisaabtanka Xukuumadda.
Kulanka Golaha ayaa maanta waxaa hortagi doona masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, oo uu horkacayo Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, si uu warbixin uga siiyo dhismaha Golayaasha deegaanka Puntland, iyo hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa wax ka weydiin doono Wasiir Dhabancad qabsoomida doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland, iyo sababta weli hortaagan dhameystirka dhismaha Golaha deegaanka degmadda Eyl ee gobalka Nugaal, ee ay shacabku doorteen.
BOSASO ONLINEÂ