3 Sababood – oo ka dambeeya socdaalka ‘MW Deni ee gobalka Mudug

GAALKACYO (BOSASO ONLINE) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u socdaalay isniintii gobalka Mudug, isagoo habeenimadii xalay kusii heyday degmada Burtinle ee gobalka Nugaal, halkaas oo kulamo kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, kana jeediyay khudbad uu ku cadeeyay dhowr qodob oo dul hogganayay hoggaamintiisa.

Siciid Deni ayaa markii ugu horreysay si cad u difaacay go’aankii uu ku joojiyay isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga, kal xukunkiisii hore, waxaana uu ku tilmaamay mid masiiri u ahaa reer Puntland, kana badbaadiyay dhac loo geysanayay dhaqaalaha bulshada kunool mandiqada. Madaxweynaha ayaa sheegay in meelo ka baxsan deegaanka lagu soo sameyn jiray lacago shillin Soomaali ah, lana soo gelin jiray Puntland, iyadoo looga qaadan jiray dollarka.

Dowladdiisa ayuu sheegay in ay Bangiga ku heyso lacag SH. Soomaali ah oo u dhiganta 7 milyan oo dollar, aysana hayn dowlad Soomaaliyeed oo ka badasha, maadama ay tahay mid kamid ah masuuliyadaheeda, uu u ogalaanayo dastuurka rasmiga ahaa ee uu laalay MW Xassan Sheekh Maxamuud.

Safarka MW Deni ee gobalka Mudug.

Hiirtii waaberi ee saaka, Deni ayaa u gudbay gobalka Mudug, halkaas oo uu uga bilowday safar aan la ogeyn maalmaha uu qaadan doono. Inta uu ku sugan yahay Mudug – MW Deni ayaa ay horyaalaan xalinta caqabado adag, kuwaas oo ay ugu waa weyn yihiin dhowr qodob;

1. Awood qeybsiga gobalka Mudug: Sida ay u xaqiijinayeen “BO” ilo lagu kalsoon yahay – MW Deni ayaa doonaya in isbedel lagu sameeyo hannaanka uu ku dhisan yahay maamulka gobalka Mudug, kaas oo gacanta ugu jira hal beel oo kamid ah beelaha wada dega gobalka, taas oo sababtay in nidaamka dowladnimo ee Mudug uu hoos u dhaco, lana wadi waayo shaqooyinkii muhiimka ahaa, sida sugida amniga, maxkamadaha iyo xalinta khilaafka beelaha ee harreeyay deegaanada gobalka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya in dhammaan la bedelo maamulka gobalka, Talisyada ciidamada iyo garsoorka, laguma qeybiyo si siman, si loo xadido caqabadaha hortaggan nidaamka dowladnimo – durbaba waxaa la saadaalinayaa in degmooyinka Goldogob, Saaxo iyo Towfiiq kasoo muuqdaan isbedelka Deni. Haddii uu ku dhaqaaqo tallaabadan Siciid Deni ayaa gabi ahaanba soo afjarayay tabashooyinka qaar kamid ah beelaha gobalka Mudug.

2. Dekedda Garacad: MW Deni ayaa xalay ka sheegay degmada Burtinle, in uu meel gabagabo ah marayo heshiis ay wada galayaan shirkadda Wadaagsin ee gacanta ku haysa mashruuca dhismaha Dekedda Garacad iyo wadada 3G iyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, taas oo doonaysa inay maalgashi ku darsato dekedda oo si isku tashi ah lagu dhisay, ahna mashaariicii ugu weynaa ee noociisa laga hirgeliyo Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay BO, in MW Deni uu la kulmi doono Guddiga Dekedda Garacad, iyo ganacsatada maalgashiga weyn ku leh, si uu ugu qanciyo muhiimadda heshiiskan iyo faa’idooyinka ka dhalan doono, oo ay kamid yihiin dhismaha wadada xariirisa Garacad, Gaalkacyo iyo Goldogob iyo aqoonsi caalami ah, sida in dekedda lagu xiro maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah iyo in suuq looga helo Itoobiya.

3. Ka dhuumashada cadaadiska BC: Sida ay ogaatay Bosaso Online, mid kamid ah ujeedooyinka socdaalka Deni ee gobalka Mudug ayaa ku qotama ka meeraysiga dallabka Beesha Caalamka ee la xiriirta tagista Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo hoggaamiyayaasha Koonfurta Soomaaliya ay ku yeelan doonaan caasimadda KMG ah ee Jubbaland (Kismaayo). Shirkan oo uu hoos dhacay xiisihii uu lahaan jiray, tan iyo qaadicidii Puntland – ayaa hadda looga arinsanayaa nooca doorashada ka dhacaysa dalka, maadama ay sii loocaysiyo aragtida Villa Somalia ee ku aadan doorasho qof iyo cod ah iyo abuurista jawi lagu wada sii joogi karo, maadama kala shaki soo dhexgalay MW Xassan iyo 4 Madaxweyne maamul ee la joogay shirarkii ugu dambeeyay, kuwaas oo hadda laystay muddo kororsi la siiyay, qaarkoodna door bidayaan inay aadaan doorasho dadban, oo ay u madaxa banaan yihiin.

Horey, Ergayga QM James Swan ayaa ka sheegay shirka Golaha Ammaanka in tallaabo kasta oo loo qaado dowlad dhiska Soomaaliya, iyadoo ay maqan tahay Puntland, aysan noqon doonin mid miro-dhal ah, waxaana dhowaan booqasho uu ku yimid Garoowe uu kaga dalbaday MW Deni tagista shirka GWQ, balse Siciid ayaa iska diiday, isagoo ku sheegay in aysan madal dambe tagi doonin, ayna doonayaan in DFS iyo Puntland si gaar ah uga wadahadlaan khilaafka ka dhexeeya ee ku saleysan jihada loo wado maamulka dalka iyo laalistii MW Xassan ee dastuurkii haystay heshiiska bulsho.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS