Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen Hoggaamiyihii Burccad-badeed Soomaaliyeed oo dhowaan sii daysay Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh, kaddib markii ay ka qaateen 5 Milyan oo dollar oo madax furasho ah.
War kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa lagu sheegay in Abshir Cabdi Kheyre Joofe – oo ahaa Taliyihii maleeshiyaadka Barcad-badeeda ahaa lagu qabtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo.
“Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee Magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre jowfe oo 38 jir ina mayran hassan ahna taliyihii markabkii MV Abddala.”
G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa sheegay inay beegsan doonaan cid kasta oo ku lug leh falalka burcad-badeednimo ayna horkeeni doonaan sharciga.
Laamaha amniga Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay, howlgallo ka waday deegaanka, iyagoo bartilmaameedsanayay kooxo qeyb ka ahaa falal burcad-badeednimo oo ka dhacay xeebaha Puntland, waxaana ilaa hadda xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah maleeshiyaadkii qeybta ka ahaa afduubyo loo geystay maraakiib ku gooshaysay Biyaha Soomaaliya.
BOSASO ONLINE