18,550 arday ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee deegaanada Puntland, kaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa imtixaanka ka daah-furay dugsiga sare ee Gambool, oo ku yaalla caasimadda Puntland Garoowe, kaas oo kamid ah 136 goobood oo lagu qaadayo imtixaanka, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka iyo deegaanada gobalada Puntland.
Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe oo ay u fariisteen 12,610 arday ayaa socon doona afar maalmood, halka imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo ay u fariisteen 5,940 uu socon doono lix maalmood, sida uu sheegay Agaasimaha waaxda imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamuud Ceynsane.
Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa ugu baaqay ardayda inay is dajiyaan ayna si wanaagsan uga shaqeeyaan imtixaan, maadama uu yahay aqoontii ay soo barteen oo hubin lagu sameynayo.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay arday inay muujiyaan dadaal, isagoo alle uga baryay in uu imtixaanka u fududeeyo.
BOSASO ONLINE