𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚: Kaarka dhalashada Somaliland oo lagu xiray wax walba

Hargeysa (Bosaso Online) Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku dhawaaqay awaamiir culus oo lagu xaqiijinayo Amniga deegaanada Somaliland.

Bayaan kasoo baxay Booliska Somaliland, oo uu saxaafadda la wadaagay Af-hayeenka Booliska G/Sare Cabdicaziiz Shiikh Ismaaciil – ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhex socdaalaya gudaha deegaanadaas laga doonayo kaarka aqoonsiga Somaliland.

Darawalada Gaadiidka ayaa lagu amray in aysan qaadi karin qof aan wadan kaarka aqoonsiga, qofkii lagu helana laga qaadi doono tallaabo, lagana dhigi doono gaari, ganaaxna la saari doono.

Sidoo kale, Hotellada ku yaalla deegaanada Somaliland ayaa la faray in aysan dajin karin, kana kireyn karin qol qof aan wadan kaar aqoonsi.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS